Maalintii sedexaad ayaa dagaalo laga soo sheegayaa inay ku dhex marayaan gobolada jubooyinka Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya darwaaiishta Jubaland iyo Alshabaab.
Meelaha sida gaarka ah dagaaladu uga dhaceen waxaa ka mida  tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaano kale kuwaasoo la isku fara saaray.

Sida Dowladu sheegtay Dagaalkaan waxaa lagu dilay Saraakiil ka tirsan kooxda Alshabaab iyo dagaal yahano kale.

Sidoo kale Warbaahinta Dowlada waxaa lagu soo bandhigay qaar ka mida alshabaab lagu soo qabtay dagaaladaani ka socda deegaanka Maamulka Jubaland qaarkood.
Sida lagu faafiyay warbaahinta Dowlada dagaaladaani waxaa lagu dilay saraakiil Alshabaab ah oo gaareysa 35 iyo dagaalyahano isugu jira Soomaali iyo ajaanib.
Mar soo hadal qaadeen magacyada iyo xilalka ay hayaan saraakiisha la dilay ayay ku kula sheegeen Jaabir oo dhalashadiisu tahay Kenya iyo  Sarkaalkii Alshabaab u qaabilsanaa sirdoonka Saadiq iyo sarkaalka kale oo u qaabilsnaaa alshabaab qaraxyada oo lagu magacaabo Cabdiqan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No photo description available.May be an image of 3 peopleMay be an image of 5 people, grass and treeNo photo description available.May be an image of 1 person, boat and body of water
Previous articleDowlada Somalia oo maanta gudbineysa heshiiska rasmiga ah ee ku biirista Ururka Bariga Afrika
Next articleWafdiga Dalka Britain muxuu kala hadlay Ra’iisulwasaare Xamze

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here