_Wararka ka imaanaya Deegaanka Xananbuure ayaa lagu soo warinayaa Dhimasho iyo dhaawac badan in ay ka dhalatey dagaal maalintii afaraad ka socda Deegaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo Maanta sii Xoogeystay.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa Deegaankan geeyay gaadiid dagaal, Waxaana la maqlayaa madaafiic qaarkood sababey qasaare gaarey dad shacab ah, dagaalkan oo u dhexeeya maleeshiyaad kukala abtirsada Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa intii uu socdey sababey dhimashada in ku dhow 10-qof iyo dhaawaca labaatameeyo kale.

Maamulka Galmudug oo ku mashquulsan martigalinta Shirka Dhuusamareeb ayaa ka aamusan dagaalkan u dhexeeya xoolo dhaqatada isku horfadhisa deegaankan Caasimada ujira wax ka yar 45KM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here