KUDHAA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Jaziirada Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi dagaalo xoogan ka socdaan kadib markii kooxda Alshabaab saaka aroortii weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen saldhigyo ciidamada Maamulka Jubaland halkaasi ku lahaayeen.
Warar kala duwan ayaa dagaalka laga helayaa iyadoo wararka qaar sheegayaa in Alshabaab qabsadeen aagaga dagaalku ka dhacay halka warar kalana sheegayaan inay iska difaaceen kadib iska caabin xoogan oo ay kala hor tageen.
Wararka sheegaya in Alshabaab heystaan oo ay qabsadeen Deegaanka Kudhaa ayaa aad u xoogan islamarkaana warbaahinada madaxa banaan ay arintaasi ka soo xiganayaan dadka deegaanka ee ku sugan Jaziirada Kudhaa oo ku dhaw xad beeneedka Somalia iyo Kenya.
Warar si horu dhac ah uga soo baxay Alshabaab iyo Maamulka Jubaland ayuu dhinac kasta ka hadlay dagaalka , Alshabaab waxay sheegeen inay qabsadeen saldhigyadii Ciidamada Jubaland ee Kudhaa halka reer Jubaland ay sheegeen inay a hortageen weerar ay ku tilmaameen mid naf-lacaari ahaa.
“Argagixisadii saaka weerarka naf la caariga ah soo qaaday waxa ay ku firxadeen lagta caanoole iyo keymaha dhinaca Badhaadhe xiga balse loogama harin oo hubka culus ayaa laga adeejinayaa” ayaa lagu yiri warar dhanka Jubaland laga helay
Dagaalka oo aad u cuslaa islamarkaana labada dhinac khasaare ka soo wada gaaray ayaan wali laga helin xog rasmi ah oo qeexeysa ciidamada labada dhinac ee ku dhintay ma aku dhaawacmay,wixii soo kordha wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
