HomeWarkiiDalal cadeeyay inay dhaqaale u ogol yihiin ciidamada Soomaalida intii AUSSOM qarashaad...

Dalal cadeeyay inay dhaqaale u ogol yihiin ciidamada Soomaalida intii AUSSOM qarashaad lagu bixin lahaa

Waxaa wali la la’yahay dhaqaalihii lagu maalgelin lahaa ciidamada Midowga Afrika ee magaca AUSSOM kaga howlgeli lahaa Soomaaliya iyadoo Mareykanku marar badan ku celceliyay inuusan diyaar u ahayn culeys kaligiis la saaro taas badalkeedana waxay codsanayaan i dunidu qeybsato dhaqaalaha.

Dowlada Somalia oo in badan raadisay dhaqaalahaasi ayaa waxaa soo baxaysa inay Carabta cadaadis ku saarayaan sidii dhaqaalahasi ay u bixin lahaayeen balse Carabta ayaa badankood waxay Dowlada  Somalia si cad ugu sheegeen inay dhaqaale ogol yihiin laakiin ay diyaar la yihiin in ciidan Soomaaliyeed lagu maalgeliyo halkii ciidamo shisheeye gaar ahaan kuwa afrikaan ah lagu bixin lahaa.

Dowlada Somalia ma diidana in ciidamada Somalia la taageero waxaana hada talaabadii ugu horeysay qaaday Dowlad Qatar oo shaacisay inay bilaabeyso qorshe ah inay maalgalinayso Turksom si loo laba jibaaro tababarka iyo qalabataynta ciidanka Gorgor.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Dowladu aqbashay qorshaha ciidamada Soomaalida lagu maalgelinayo ,waxaana la hadal hayaa in dhawaan Magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan masuuliyiin ka socda Dowlada Qatar islamarkaana heshiis ay labada dal kala saxiixan doonaan si loo maalgeliyo Milateriga Somalia taasoo looga maarmi doono kuwa shisheeye.

Balan qaadka Dowlada Qatar ee ah inay maalgelinayaan milateriga Somalia ayaa ku soo aadaya xili Carabbtu ka cabanayaan inay qarash badan galinayaan dhawaan dib u dhiska Marinka Qaza si mar kale noqol loogu abuuro shacabka reer Qaza.

Si kastaba howlgalka AUSSOM oo MIdowga Yurub kaliya uu diyaar la yahay maalgelintooda ayaa balan qaadeen inay bixin doonaan 60 Milatan Doolar taasoo aan wali ku filneyn madaama deyman badan uu qabo howlgalkii hore ee ATMIS.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -