Dalalka huwan magaca Atmis ee ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa si buuxda u taageeray codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa la hakiyo qorshihii lagu dhimaayay ciidamadaasi sanadka 2024.

Codsiga Madaxweynaha ayaa ahaa mudo sedex bilood ah dib loo dhigo arimo farsamo wajiga labad ee ciidamada Atmis ay Soomaaliya kaga baxi lahaayeen.

Advertisement

Dalalka Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo ah dalalka ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya ayaa aqbalay codsiga ah inay axaan tiro ciidamadooda ah intuusan dhamaan sanadkaan.

Idaacada VOA-da oo sheegtay inay xaqiijiyeen warkaan ayaa intaas ku dartay in dalalkaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay waliba Golaha Amaanka Qaramada Midoobe u cadeeyeen taageeradooda dalabkii Soomaaliya.

Sidoo kale waxay Atmis taagaare u muujisay dagaalka ay Dowaladu kula jirto dagaalamayaasha Alshabaab.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh oo markii hore uu ka yimid codsigaan ayaa  tilmaamay xaalada dagaal ee ay hada Dowladu ku jirto darteed inay u sii baaahan yihiin in sedex bilood dib loo dhigo 3000 askari oo dhamaadka sanadkaan qorshuhu ahaa inay Soomaaliya ka baxaan taasoo qeyb ka noqon lahayd wajiga labaad ee ka bixitaanka guud aaan dalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Is the AU mission in Somalia changing in name only? - ISS Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here