HomeWarkiiDalalka Islaamka oo maanta ka jawaabya weerarkii Israa'iil iyo Carabta oo dhisaneysa...

Dalalka Islaamka oo maanta ka jawaabya weerarkii Israa’iil iyo Carabta oo dhisaneysa Isbahaysi NATO oo kale ah. 

DOXA (DAYNIILE.COM)-Shirweynaha Dalalka Carabta iyo guud ahaan Islaamka ee Maanta ka dhacaya Magaalada Doxa ee xarunta Dalka Qadar ayaa sheegaya in looga hadlayo sidii Islaamku jawaab adag uga bixin lahaayeen weerarkii gar darada ahaa ee dhawaan Israa’iil ku soo qaaday Dalka Qadar islamarkaana ku dileen saraakiil Xamaas ka tirsan.

Shirka waxaa ka qeybgalaya dhamaan dalalka waa weyn ee Islaamka oo ay ku jiraan dalalka Turkey oo NATO ka tirsan iyo Pakistan oo heysata hubka nuyukleerka,waxaa lagu wadaa inay jawaab siiyaan Israa’iil si ay uga hortagaan inay mar kale weerarto dal kale oo carbeed.

Sidoo kale warar kale oo aad u soo xoogeystay ayaa sheegaya in Dowlada Masar ay hogaamineyso qorshe dalalka Carabta iyo Islaamka guud ahaan ay ku sameysanayaan isbahaysi xooggan oo la mid ah kan NATO oo kale si dal ka mida hadii la weeraro ay dhamaantood dagaalka iskula galaan.

Qorshahaan  Masar wado haduu hir galo waxay dadka falanqeeya arimaha ciidamada ay sheegayaa inuu noqon doono isbahaysigaan midka aduunka ugu awood badan marka la eego dhanka dhaqaalaha iyo hubkaba maadaama aduunka dalalka ugu dhaqaalaha badan ay carab yihiin ,sidaas oo kale Dalalka Islaamka ayaa waxaa ku jira dalal dhanka tiknoolajiyada ku hormaray sida Idonesia ,Turkey iyo kale .

Dalalka Islaamka hadii ay isku darsadaan ciidamo mideysan waxaa la qiyaasayaa inay dhowr malyan si dedeg ah ku heli karaan,sidoo kale dhaqaalaha Dalalka Islaamk dunida waxay ka mid ah shucuubta kuwa ugu hantida badan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -