HomeWarkiiDalka Jabuuti oo maanta si weyn looga xusay maalintooda xoriyada +SAWIRRO

Dalka Jabuuti oo maanta si weyn looga xusay maalintooda xoriyada +SAWIRRO

Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun oo ku beegan 47-sano ka hor markii ay ka xoroobeen gumeystihii Faransiiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti, munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.

Ummadda Soomaaliyeed ayaa toddobaadkaan u dabaal degaysa xornimadooda, 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa ku asteysan maalmo taariikhi ah oo Jamhuuriyadaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka xoroobeen gumeystihii reer Yurub.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -