Mas’uuliyiinta dalka Poland ayaa xabsiga u taxaabay sideed qof oo looga shakisan yahay basaasnimo iyo qaran dumis.
Hadal kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada, Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa Talaadadii sheegay in kiiska uu soo korayo iyo in hawlo shaqo oo dheeri ah ay socdaan isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Xariga raggan ayaa imaanaya iyadoo lagu eedeynayo in Ruushka uu ka howlgaliyay shabakado basaasnimo Dalalka Yurub ama NATO qaarkood.
Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk wuxuu sidoo kale sheegay in dadka la xiray looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen basaasnimo iyo qorsheynta weeraro.
Kooxaha loo xirey inay basaas u ahaayeen Rushka waxaa lagu eedeeyay inay loo soo direy sahaminta xarumaha militariga iyo kaabayaasha muhiimka ah, u diyaarinta agabka wax-burbudaynta, iyo fulinta weeraro toos ah sida uu sheegay Ra’iisulwasaaraha Poland.
Sidoo kale basaasiinta waxaa lagu eedeeyay in loo soo dhiibay baakado ay ku jiraan walxaha qarxa si loo cabsi geliyo dadka iyo xasiloonida dalalka Midowga Yurub ee taageeraya Ukraine.
Jacek Dobrzynski, oo ah afhayeenka Adeegyada Gaarka ah ee Poland, ayaa u sheegay suxufiyiinta in saddex muwaadin oo Ukrain ah ay ka mid yihiin siddeedda la xiray iyo in lagu eedeeyay inay abuureen nooc shabakad ah oo lagu qaado walxaha qarxa ee Poland iyo Romania ilaa Ukraine.
“Nin 21 jir ah oo Ukrain ah ayaa lagu xiray halkan Poland meel u dhow Warsaw, labadii nin ee la socday oo Romania aaday waxaa xiray sirdoonka Romania ee Bucharest,” ayuu sii raaciyay Jacek Dobrzynski.
Wakaaladda Sirdoonka Romania ee SRI ayaa sheegtay inay ka hortageen falal cusub oo kharibaad ah oo ay geysan lahaayeen laba muwaadin oo Ukrain ah oo si toos ah ula shaqeynaya qaar ka mid ah sirdoonkla Ruushka.
SOURCE ALJAZEERA
XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
