Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka digay isku dayga heshiis amni iyo difaac oo u dhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. kaasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin khatar keeni karta oo u baahan fiiro gaar ah.

Waxaa uu sheegay inay noqoneyso walaac aad u daran haddii dowladda waqtigeeda dhamaaday isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa.

Warar la isla dhex marayo oo saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya inuu jiro shir Addis Ababa ku dhex mari doono Madaxweyne Farmaajo, Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed oo xulufo ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here