Muqdisho, Diseembar 07, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya mudane Pier Mario Daccò Coppi warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka.
Danjiraha cusub oo ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuba-qabatayntii hubka waxaana uuna bogaadiyay hormarada laga gaaray dagaalka lagu dalka looga sifeynayo Khawaarijta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, waxa uuna madaxweynaha xusay ahmiyadda ay leedahay lagu garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka ay kula jirto argagixisada.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
May be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people and dais
Previous articleMadaxweyne Xasan muxuu kala hadlay Qubarada Milatari ee Turkiga+SAWIRRO
Next articleXamze Cabdi-Barre oo amaanay Hay’ada duulista rayidka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here