Advertisement

Kulan ay  yeesheen khamiistii Golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Puntland ayey ku meel mariyeen in Xisbiyada Siyaasadda Puntland laga dhigo 5 Xisbi halka horay u ahayd 3 Xisbi, iyada oo ay u gudbiyeen Golaha sharci dagajiyaasha Dowlad Gobaleedka.

Advertisement

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in tani ay usameynayaan kadib codsi uga yimid xisbiyada siyaadeed ee Dowlad Gobaleedka Puntland, balse waxaa durbadiiba ka soo horjeestey Madaxweynayaashi hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa ku magacaabay Guddiga kasoo talo bixinta wax ka bedelka Dastuurka Puntland.

Guddiga uu Guddoomiye Cabdirashiid magacaabay ayaa ka kooban shan xubin, iyaga oo loo xilsaaray; si ay falan-qeyn ugu sameeyaan wax-ka-beddelka Dastuurka Puntland ee Xukuumaddu soo jeedisay, kadibna Golaha u soo gudbiyaan talobixintooda.

Guddiga loo xilsaaray wax ka badalka Dastuurka ayaa kala ah:-

  1. Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)
  2. Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)
  3. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)
  4. Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)
  5. Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Jimcihii Masjidka Madaxtooyada Soomaaliya ku dhex yaala ayaa ka hadlay xalada haatan ka taagan Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda ugu sarreysa maamulka Puntland ugu baaqay in ay tixgaliyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada Siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka.

Dr Xasan Sheekh ayaa carabka ku dhuftay in aanay marnaba raali ka noqon doonin in muddo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano la soo dhisayay, oo salka ku haya doorashada la filayo in ay ka dhacdo Puntland bilowga sanadka soo socda.

Madaxtooytada Garoowe ayaa wajaheysa cadaadis kaga imaanaya Siyaayiinta ka soo jeeda deegaannada Puntland, kuwaas oo ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Saciid Deni uu ku doonayo in uu ku wajaho doorashada soo socota, walow 25 Bishaan lagu madal san yahay in la qabto doorashada Golaha deegaanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here