HomeWarkiiDanbi-baarista Mareykanka oo bilowday inay Nairobi ka baaraan Somali lacago ka soo...

Danbi-baarista Mareykanka oo bilowday inay Nairobi ka baaraan Somali lacago ka soo dhacday Minesota

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mid ah ciidamada danbi-baarista Mareykanka ee loo yaqaan FBI-da ayaa la sheegay inay soo gaareen Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Mareykanka halkaasoo ay si gaar ah uga bilaabeen baaris la xiriirta lacago la sheegay inay Soomaali ka soo dhacday ama ka soo musuq maasuqday State-ka Minesota ee ah halka ay Soomaalida kaga badan tahay Dalkaasi.
Wararka ayaa tilmaamaya in Soomaalida wax soo dhacday ay guryo kaga iibsadeen xaafadahaay Soomaalida ku badan tahay ee Islii iyo South C , warar kale ayaa sheegaya in mid ka  mida uuba iibsaday diyaarad nuuca qumaatiga u kacda ah.
Saraakiisha ka socota FBI-da Mareykanka qorshahooda waa inay la wareegaan  hanti kasta oo ma guurto ah oo lagu iibsaday lacagahaasi la soo dhacay islamarkaana ay hore u kaxeystaan hadii ay gacanta ku dhigaan Soomaalida Ameerikaanka la sheegay inay lacagahaasi soo dhaceen inkastoo qaarkood hore Mareykanka loogu xirey.

Dhaq dhaqaaqaqa ay FBI-da Mareykanku ka wado Nairobi ayaa imaanaya xili bilihii ugu danbeeyay Dalka Mareykanka gaar ahaan Minesota ay ka socotay eedeyn iyo xarig loo geysanayay Soomaali-Ameerikaan ku eedeysan inay lacago ku qaateen isdaba marin iyo musuq maasuq,qaarkood waxaa la sheegay ku dhaceen lacagaha Somali Dalkaasi ku dhibaateysan inay wax ugu qabanayaan

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -