XIGASHO LAACIB.NET
Dani Alves ayaa ku guuleystay dacwad sharci ah oo ka dhan ahayd xaaskiisii hore, Dinorah Santana, taasoo ka socotay dalka Spain. Maxkamad ku taalla Barcelona ayaa amartay in loo celiyo Alves €628,000 oo horey looga xayiray sababo la xiriira eedeymo ku saabsan bixin la’aanta lacagta biilka carruurta.
Santana waxay ku eedeysay Alves inuusan gudan waajibaadkiisa dhaqaale tan iyo markii ay kala tageen sanadkii 2011. Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda ayaa sheegtay in ciyaaryahankii hore ee Brazil iyo Barcelona uu si buuxda ugu dhaqmay heshiiskii kala tagistooda ee la gaaray 2012.
“Dani Alves wuu fuliyay dhammaan shuruudihii lagu heshiiyay,” ayaa lagu yiri xukunka maxkamadda. “Ma jirto sabab sharci ah oo lacagta loo xayiro.” Maxkamaddu sidoo kale waxay ku amartay Dinorah Santana inay bixiso kharashka dacwadda.
Sida uu sheegay weriye Amor Romeira oo ka hadlay Telecinco barnaamijkiisa Fiesta, lacagta ayaa markii hore loo xayiray si taxaddar ah intii ay socotay dacwadda. Wuxuu intaa ku daray: “Lacagta waa la xannibay inta uu socday geeddi-socodka sharci, balse hadda waa loo celiyay Alves.”
Xukunkan ayaa imaanaya xilli Dani Alves uu sugayo go’aanka maxkamadda sare ee Spain oo la xiriirta rafcaan ay racfaan ka qaadeen xeer ilaalintu kadib markii loo waayay dembi eedeyntii kufsiga ahayd. Dhanka kale, Alves iyo lamaanihiisa Joana Sanz ayaa sugaya cunug, iyadoo Joana ku tilmaantay arrintaas mid “sixir ah”.