HomeWarkiiDanjiraha Soomaaliya u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Xalane, oo  si diirran u...

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Xalane, oo  si diirran u soo dhoweeyay  Doorashada Golaha Deegaanka Muqdisho.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Xuseen Cabdi Xalane, waxa uu si diirran u soo dhoweynayaa Doorashada Golaha Deegaanka ee maanta – koton iyo siddeed sana kadib(58) – ka qabsoontay Gobolka Banaadir, taas oo astaan u ah horumar la taaban karo oo laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo daadejinta nidaamka dawliga ah.

Danjiruhu waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka Gobolka Banaadir ee si mas’uuliyadi ku dheehan tahay uga qaybqaatay doorashada, iyagoo subaxnimadii hore u dareeray goobaha codbixinta si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinnimo. Sidoo kale, waxa uu ammaanayaa hay’adaha amniga, guddiga doorashada, iyo dhammaan masuuliyiinta qaranka ee xooggooda iyo xeeladdoodaba isugu geeyey in doorashadu u dhacdo si nabadgelyo, hufnaan, iyo kalsooni leh.

Sidoo kale Safaaraddu waxay mar kale adkaynaysaa sida ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta nidaamka “doorasho qof iyo cod ah”, kaas oo laf-dhabar u ah ballaarinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee shacabka, xoojinta dowlad-wanaagga, iyo ku dhaqanka sharciga.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -