NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Danjiraha Somalia uga wakiilka ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobe Abuukar Daahir Cusmaan (Baale) ayaa ka warbixiyay shirka loo dhaan yahay ee Golaha amaanka Qaramada Midoobe kasoo bisha September ay ka soo qeybgeli doonaan Madaxweynayaasha Dunida.
Danjire Aukar Balle wuxuu si gaar ah uga warbixiyay sida Somalia diyaarka ugu tahay inay ka faa’iideysato kursiga ay ku fadhido ee xubunimada aan joogtada ahayn,isagoo tusaale u soo qaatay Dowlada Somalia ugu horeyn xilkaan kaga aa’iideysan doonto inay ku diaacato madax banaanideeda.
Abuukar Baalle wuxuu xusay in madaama ay jiraan sanataro Mareykan ah oo waqtiyadaan danbe u ololeynayay in Somalialand la aqoonsado ay Dowlada Somalia uga faa’iideysan doonto kursiga ay ku fadhido inay ku diaacato midnimada iyo wada-jirka dhuleed ee Somaliya.
Sidoo kale Danjire Abukar Cusmaan Balle wuxuu sheegay in Dowlada Somalia xubinimadeeda uga faa’idieysan doonto inay shirkaan ku soo bandhigto qaabka howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Somalia ee AUSSOM shaqada howlgalka ugala wareegi lahaayeen howlgalkii hore ee ATMIS.
“madaama Somalia xubin aan joogta aheyn ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa jira shirar caalami ah oo nalagu casuumay kuwaasoo ka bar bar socon doona shirka QM ,shirarkaasi waxa somalia uga qeybgeli doona kana aa’iideysan doona qaar wasiirada ka mid ah”ayuu yiri Danjire Abukar Balle
DAYNIILE.COM

