Muqdisho (dayniiile.com)-Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ugu sameeyay Munaasabad sagootin ahayd Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Kenya mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle kaasoo dhawaan Madaxweyne Xasan uu ku badalay Safiirkii hore Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Mubaasabada oo uu soo qaban qaabiyay Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa ka dhacday gudaha  Garoonka diyaaradaha  Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa hadalo guubaabo iyo sagootin ah ka jeediyay  masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka  dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya  Maxamed Barre Maxamuud , Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal iyo Wasiir Ku Xigeenka  Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed Bulaale iyagoo kula dardaarmay safiirka cusub inuu sii wado dadaalka iyo shaqada hortaalo iyagoo u rajeeyay inuu alle u fududeeyo.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal ayaa kulanka ka sheegay in Danjire Tarsan shaqo wanaagsan uu qabtay intii uu xilkaasi hayay isagoona Danjiraha cusub u rajeeyay inuu halkaas ka sii wado shaqada Safaarada Kenya.

Safiirka cusub Jabriil  Ibraahim Cabdulle.oo gunaanadka munaasabada hadal ka jeediyay ayaa amaanay una qiray Safiirkii hore Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  inuu shaqo wanaagsan ka qabtay Safaarada.

“Safiir Tarsan shaqo fiican ayuu qabtay,anigana halkaas ayaan ka sii wadayaa Insha Alalah”ayuu yiri Safiirka cusub

Dhanka kale Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa  wuxuu uga mahad celiyay dhamaan ka  soo qeybgalayaasha sagootinta ay u sameeyeen sida Xildhibaanada iyo Wasiirada.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMale Extra Male Enhancement Supplement
Next articleMaxay kaga dhigan tahay Dr.Xasan Sheikh haduu guul ka keeno 5-tiisa Higsi ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here