HomeWarkiiDanjire Xuseen Cabdi Xalane oo safaaradda Soomaaliya ee UAE ku soo dhaweeyay...

Danjire Xuseen Cabdi Xalane oo safaaradda Soomaaliya ee UAE ku soo dhaweeyay Maareeyaka Dekadda Muqdisho Sawiro

 

Wararka ka imaanaya  Dalka iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in Safiirka  Soomaaliya ee Abu Dubai. Danjire Xuseen Cabdi Xalane  uu halkaas ku soo dhaweeyay Maareeyaha Dekadda Muqdisho  Cali  Amerika oo Safar shaqo ku jooga Dalka UAE.

Safiirkii hore ee Somaliya u fadhiyay Dalka Kenya Danjire Amerika haatana ah Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa waxa uu  Booqasho ku tagay safaarada waxaana halkaas ku soo dhaweeyay  Danjire Xuseen Cabdi Xalane, horayna u ahaa Wasiirkii Maaliyada Soomaaliya.

Danjire Xuseen Cabdi Xalane ayaa ku amaanay Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Amerika  wax qabadka mudada kooban ee uu  Maareeyaha ka ahaa  Dekadda Muqdisho uu gaarsiiyay.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cali Amerika ayaa ku soo wareegay Laamaha  safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka iskutaga Imaaraadka Carabta, asaga oo uga mahad Celiyay soo dhawaynta Diiran  ee uu u sameeyay Danjire Xuseen Cabdi Xalane, waxa uuna ku amaanay Amerika,  Xalane sida wanaagsan oo uu u hor mariyay safaarada iyo shaqaalaha safaarada oo uu sheegay Amerika kuwa aqoon buuxda u leh u adeegida Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UAE.

Sdoo  kale Danjire Xuseen Cabdi Xalane ayaa loo magacaabay in uu Safiir ka Noqdo UAE sanadkii la soo dhaafay 2024  waxa uuna safaarada Soomaaliya UAE  ka sameeyay Howlo badan iyo is  badal Muuqda sida ay Bogan u sheegeen Soomaalida ku Nool Halkaas ee shaqada u taga safaarada.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

+254-711830393

Cabdixakiin441@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -