XIGASHO LAACIB.NET
Halyeeygii hore ee Liverpool, Danny Murphy, ayaa sheegay in Declan Rice uu yahay ciyaaryahanka ugu muhiimsan ee Arsenal xilli-ciyaareedkan maadaama ay kooxda Gunners u dagaalamayso inay ku guuleysato horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo 22 sano ah.
Rice oo ku soo biiray Arsenal xagaagii 2023 isaga oo kaga yimid West Ham heshiis ku kacay £105 milyan, ayaa si joogto ah u ciyaaray kulamada kooxda, isaga oo noqday laf-dhabarta khadka dhexe.
In kasta oo Arsenal ay xagaagii lasoo saxeexatay Viktor Gyokeres iyo Martin Zubimendi, Murphy waxa uu aaminsan yahay in Rice uu weli yahay xiddiga ugu saameynta badan kooxda.
Murphy ayaa yiri:
“Ma aha koox hadda ku tiirsan hal ama labo ciyaaryahan, laakiin waxaan rumeysanahay in Declan Rice uu yahay ciyaaryahanka ugu weyn kooxda.
Wuxuu leeyahay awood jireed iyo xamaasad sare, wuxuu aad ugu fiican yahay cadaadiska iyo qabashada kubadda.
Ma oranayo Arsenal ma guuleysan karto la’aantiis, laakiin aniga waxaan u arkaa xiddigooda ugu muhiimsan.”
Arsenal ayaa hadda 3 dhibcood ku hogaamineysa horyaalka, iyadoo ka sarreysa Manchester City kahor kulamada toddobaadkan.
Rice ayaa sidoo kale door muhiim ah ku lahaa guushii Arsenal 4-0 kaga adkaatay Atletico Madrid Champions League-ga, isaga oo bixiyay caawinta goolkii uu dhaliyay Gabriel Magalhães.
XIGASHO LAACIB.NET
