Isticmaalka badan ee baraha bulshada wuxuu dhaawac u geysanayaa maskaxda dhalinyarada, sida lagu ogaaday daraasad cusub oo lasoo saaray.

Cilmi baadhis ay sameysay hayadda waxbarashada iyo fayo-dhowrka ayaa diiradda lagu saaray barbaarta dhigata iskuullada hoose dhexe.

Wiilashada iyo gabdhahaba waxyeello caafimaad way kasoo gaartaa marka ay da’dooda tahay 14 sano, laakiin gabdhaha ayaa markaas kaddib ay shaqada maskaxdooda hoos u sii dhacdaa, sida ay daraasaddu ogaatay.

Waxay khubaradu sheegeen in qodob kale oo halistaas caafimaad sii xoojinaya uu yahay jimicsi la’aan – gaar ahaan xilligan lagu jiro cudurka safmarka ah oo dhaqdhaqaaqyada ay yaryihiin.

 

  • Hal ka mid ah saddexdii gabdhoodba aysan ku faraxsaneyn muuqaalka jirkooda marka ay da’dooda tahay 14 sano, marka la barbar dhigo gabdhaha dugsiga hoose/dhexe dhammeystayna, tiradaas waxay noqotaa toddobadii gabdhoodba mid ka mid ah
  • Tirada dhalinyarada uu soo wajaho xanuunka maskaxda ay sare u kacday, ayna gaartay hal ka mid ah lixdii qof ee da’ yar ah, taasoo sanadkii 2017-kii ahayd hal ka mid ah sagaalkii qof ee dhalinyaro ah.
  • Wiilasha ay ay kalsoonida naftooda ay ku qabaan ay aad u hooseyso marka ay da’dooda tahay 14 sano

Caafimaadka maskaxeed ee wiilasha iyo gabdhaha labaduba wuxuu hoos u dhacaa marka ay qaan gaar yihiin, halka gabdhuhu ay aad u sii daran yihiin, sida ay daraasaddu sheegtay.

Hase yeeshee cilmi baaristu waxay sheegtay in gabdhaha ay kalsoonidooda fiicnaato marka ay ku dhawaadaan 20 jir, laakiin wiilashu ay wali ku sii jiraan xaaladdaas.

 

Nafis ka raadin ama wehel’

Isticmaalka badan ee baraha bulshada ayaa horay lool xiriiriyay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah oo soo wajaha dadka, iyadoo aan loo eegeynin da’dooda ama heerka maskaxdooda. Balse gabdhaha ayaa horay loo sheegay in ay kala kulmaan walwal iyo rajo la’aan.

“Kuwa ay xaaladdoodu kasii darto waxaa laga yaabaa in ay baraha bulshada u galaan si ay ugu nafisaan ama wehel uga helaan,” ayey tidhi Dr Amy Orben, oo cilmi baarista ka sameysa jaamacadda Cambridge.

Daraasaddan waxay natiijadeeda u cuskatay xog laga aruuriyay 5,000 oo qof oo ku nool England.

 

Xog aruurin kale ayaa la sameeyay bishii November si loo ogaado saameynta uu dadka da’daas ah ku yeeshay cudurka safmarka ah ee corona.

Dhaqaalaha soo gala qoysaska, jimicsi la’anta iyo xasilooni darro caafimaadka maskaxda ah ayaa qeyb ka qaata xaaladaha caafimaad darro ee soo wajaha dhalinyarada, sida ay daraasaddan soo bandhigtay.

Waxay cilmi baaristan ku talisay in la joogteeyo jimicsiga.

“Dhalinyaradu waa in ay helaan adeegyo ka caawiya caafimaadka maskaxda iyo jimicsi joogto ay,” ayaa lagu yidhi daraasadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here