HomeWarkiiDaraawiishta Puntland oo guulo kale ka gaaray dagaalka Daacish

Daraawiishta Puntland oo guulo kale ka gaaray dagaalka Daacish

CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Puntland ay saacadihii la soo dhaafay gaareen guulo kale marka la eego dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee Somalia ka dagaalanta.

Sida warbaahinta Puntland lagu shaaciyay ciidamada ayaa deegaano hor leh ka saaray dagaalamayaasha Daacish oo hada waqtigoodu dhamaad ku sii dhaw yahay madaama inta ugu badan laga saaray buuraleyda Gobolka Bari oo ay ku dhuumaaleysan jireen.

Deegaanada ugu danbeeya ee Ciidamada Puntladn ka qabsadeen Daacish waxaa ka mid ah Ceelka Idakacab ee tog weynaha Baallade.

Dagaalkaani waxay sidoo kale ciidamada Puntland ku laayeen qaar ka mid ah dagaaamayaasha kooxda Daacish, Khasaaraha gaaray dhanka ciidamada Puntland saraakiishu kama hadlin oo ma soo hadal qaadin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 personMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 person and Bactrian camelMay be an image of 5 people and Bactrian camelMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people and mountainMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and Lake PowellMay be an image of 9 peopleMay be an image of phoneMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -