Magaalada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa xalay lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Maxamed Ciise lugeey, waxaana dilkiisa kasoo baxaya warar kala duwan.

Ninka ayaa waxaa uu kamid ahaa darawalada Gaadiidleeyda degaannada Galmudug, waxaana dad ku sugan degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud  ay sheegeen in dilkiisa lala xiriirinayo aanooyin qabiil.

Maamulka degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud iyo Madaxda sare ee Maamulkaas weli kama hadlin dilkaas, waxaana degaannada Galmudug kusoo batay dilalka lala xiriirinayo aanooyinka qabiil.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa magaalada muqdisho, in kastoo uu Dhuusamareeb dib ugu laabtay, waxaana intii uu ku mashquulsanaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka degaannada Galmudug ka dhacay dilal aanooyin qabiil ah iyo weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here