HomeWarkiiDarawal Mooto Bajaaj lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Darawal Mooto Bajaaj lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay xalay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku dileen nin darawal ka ahaa mooto bajaaj kaasoo lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Maxamed Rabi ha u naxariistee.

Darawlka ayay rasaastu ku haleeshay meel ku dhaw garoonka diyaaradaha xili uu waday dhaawaca nin burcad ay ka dhacayen Mobile IPhone ah, ninkaan la  dilay ayaa si weyn looga yaqaanay Maagalada Gaalkacyo,walina lama sheegin sababta kooxahaasi hubeysan rasaasta ugu fureen.

Dhanka kale gacan ku dhiiglaha ayaa la soo sheegayaa inuu ka baxsaday goobta uu dhibaatada ka geystay,balse waxaa ku raad jooga ciidamada Booliiska si ay u soo qabtaan kadibna sharciga loo hor geeyo   .

Maaha markii ugu horeysay oo kooxo hubeysani dad shacabka ku dilaan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -