Askari katirsan Ciidamada dowladda  Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Manta meel u dhow degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj, isla markaana dilka kadib uu goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah darawalada mooto Bajaajta ku Shaqeysta ee degmada Balcad oo Risaala la hadlay ayaa sheegay in Darawalka Mooto Bajaajla ah uu ka yimid Tuulada Carafaag oo u dhaxeysa Muqdisho & Balcad, balse Askari ku sugnaa Koontoroolka Garasdeele uu dilay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xilliga la dilayay Darwalka Bajaajlaha ah ay Mootada u saarnaayeen laba askari kuwaas oo aan wax tallaabo ah qaadin markii la dilay darawalkii waday, waxana uu sheegay in Ciidamada Maamulka degmada Balcad ay ku raad joogaan askarigii dilka geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here