Muqdisho (dayniiile.com)-Xaafada Sanca ee Degmada Kaaraan wararka laga helaayo ayaa sheegaya in darbi  soo dumay  uu sababy dhimashada dhowr qofood xalay waqti danbe.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya inay sedex qofood geeriyoodeen kuwaasoo dhamaantood ahaa dumar markii darbi guri deriskooda ah uu ku soo dumay gurigooda oo jiingad ahaa.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in reerka dhibaatadu ku dhacday guri ku dhagan oo la cara buuxinayay uu sababay inuu reerka kale ku soo dumo markii culeyska laga badiyay.

Darbiga soo dumay waxaa la sheegay inuu ahaa mid wareegsan oo nus qarni halkaasi ku yaalay kadibna ay qorshuhu ahaa in la dhiso balse iyadoon kii duqa ahaa la dumin ayay caro buuxis ku sameeyeen taasoo keentay inuu soo dumay markii celeyska carada laga badiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisul Wasaare Xamsa oo dul istaagay baaxadda dhibaatada Roobabka El-nino ee soo gaartay deegaannada Jubbaland+SAWIRRO
Next articleAl-Shabaab oo soo dhoobtay wadada xiriirisa Qalimow iyo Balcad iyo Hirshabelle oo ka hadashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here