WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxwene xigeenkii hore ee dalka Kenya Rigathi Gachagua oo hada ku sugan Mareykanka ayaa halkaasi kaga dhawaaqay eedeyn culus uu u jeediyay Madaxweynaha Kenya Wilam Ruto isagoo sheegay inuu xiriri la leeyahay kooxda Alshabaab.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ayaa warkiisa ku sheegay in dhawaan booqashadii Madaxweyne Ruto ku tagay Ismamulka Mandera uu halkaasi kulan qarsoodi ah kula yeeshay hogaamiyayaal Alshabaab ka tirsan kuwaasoo uu tiradooda ku sheegay inay sedex ahaayeen.
Rigathi Gachagua wuxuu intaasi ku daray inuu Madaxweynaha Kenya Ruto hogamiyayaasha Ashbaab kala hadlay arimo ganacsi oo kaliya, wuxuu soo jeediyay in Dowlada Kenya laga rabo inay cadeyso waxa Ruto kala dhexeeyo kooxaha argagaxisada sida uu warka u dhigay.
“William Ruto, Dowladda Mareykanku waxay dooneysaa inay ogaato sababta aad ula shaqeyso Alshbb, waa maxay sababta markii aad tagtay Mandera aad ula kulantay saddex xubin oo ka tirsan hoggaamiyaasha Alshbb xilli habeen ah si aad ugala hadasho arrimo la xiriira ganacsi, sababtaas ayey doonayaan inay ogaadaan” ayuu yiri mar kale Rigathi Gachagua
Eedeyntaan culus ee ka timid madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa miisaankeeda leh waxaana wali warkiisa ka jawaabin Madaxweynaha Kenya Wilam Ruto.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
