Muqdisho, 10 December 2023: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

Wasiirka ayaa Ku-Xigeenka Ergeyga uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay iga soo dhalaashey shaqada ay ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay.

Advertisement

Wasiirka ayaa sidoo kale Ku-Xigeenka Wakiilka uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga sameeyay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan Qaran sannadkii la soo dhaafey.

Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rajada, isla markaana ku tallaabsatey guulo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran. Waxay sidoo kale ka
mahad celisay wadashaqeynta iyo soo dhoweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka hawlgaleysay.

Marwo Anita Kiki Gbeho bishii December 30keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga. Waxaana dhammaadka bishan ay qaban doontaa xilka Ku-Xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna Madaxa Isku-Duwidda Arrimaha Gargaarka Bani’aadminimada.

Previous articleMaxkamada Sare ee Puntland oo wax-kama jiraan ka soo qaaday mudo kordhintii ay sameysteen Baarlamaanka
Next articleku dhawaad 300 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza 24-ka saac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here