XIGASHO LAACIB.NET
Ciyaaryahankii hore ee xulka England, David Beckham, ayaa magacaabay ciyaaryahanka uu aaminsan yahay inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya Champions League xilli ciyaareedkan.
Tartanka Champions League ayaa billowday caawa, iyadoo kulammo waaweyn lagu qaban doono magaalooyinka ugu waa weyn qaaradda Yurub.
Paris Saint-Germain ayaa koobkan qaaday xilli ciyaareedkii hore, kaddib markii ay 3-0 kaga adkaatay Inter Miami ciyaartii kama dambaysta.
Isagoo wareysi siinayay CBS Sports, xiddigii hore ee Real Madrid ayaa la weydiiyay ciyaaryahanka uu filayo inuu ku guuleysanayo kabta dahabka ee gooldhalinta Champions League.
Beckham waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay in weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, uu ka horreyn doono ciyaartoyda kale xilli ciyaareedkan.
Wuxuu yiri:
“Waan jecelahay [Lamine] Yamal. Waxaan qabaa in buuqa ku saabsan isaga uu yahay mid dhab ah, isla markaana uu yahay hibo weyn.”
Laakiin wuxuu raaciyay:
“Anigu waxaan dooranayaa Kylian inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya. Waxaan aaminsanahay in Kylian, xilli ciyaareedkii horeba, uu muujiyay awooddiisa gooldhalineed.
XIGASHO LAACIB.NET
