XIGASHO LAACIB.NET

Goolhayihii hore ee Liverpool David James ayaa ku adkaystay in Arsenal ay weli yihiin kuwa ugu cadcad hanashada Premier League, inkastoo ay Sabtidii fashilmeen kulankii Aston Villa.Arsenal ayaa gool daqiiqadihii dambe laga dhaliyay oo uu saxiixay Emi Buendia, kaddib markii Leandro Trossard uu kansalay goolkii hore ee Matty Cash.
Saacado kaddib, Manchester City ayaa farqiga dhibcaha hoos ugu dhigtay laba, kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen Sunderland.
David James oo la hadlay Stadium Astro ayaa yiri:“Waxa dhiirri-gelin u ah kooxaha kale waa in marka Arsenal laga dhaliyo gool, ay mararka qaar kuwo nugul u muuqdaan.”“Villa waxay muujiyeen xoog, awood iyo go’aan, haddii kooxaha kale sidaas sameeyaan way yareyn karaan farqiga dhibcaha.”“Laakiin taasi micnaheedu maaha in Arsenal aysan weli ahayn kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka.”
XIGASHO LAACIB.NET
