Howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Dawladaha safka hore, oo hindiso goboleedka amniga wadamada xuduuda la leh Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Advertisement

Qaraarkan ayaa laga soo saaray shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya madaxa hay’adda ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef, taliyaha ciidamada ATMIS, Sar. Guuto Okiding, iyo taliyaha ciidamada wadamada safka hore Gasahaanle Maxamed Bariise.

Horraantii sanadkan, Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah (Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya) waxay ku heshiiyeen in si wada jir ah loo qaado weerar millatari oo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo loogu magacdaray “Howlgalka Libaaxa Madow” ee lagu xoraynayo deegaannada ku harsan gacanta Shabaab si aan loo xasilin oo keliya wadanka Geeska Afrika laakin la nabadeeyo Gobolka oo dhan.

Heshiiska ayaa lagu gaaray shir madaxeed uu martigeliyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka qeyb galeen madaxda Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

“Howlgalka Libaaxa Madow waa qorsho goboleed xoojin doona dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ATMIS maadaama cadowga [Al Shabaab] uu yahey mid isku mid ah,” ayuu yiri Danjire Souef.

Kulanka ayaa sidoo kale la isku raacay in la xoojiyo xog wadaagga, qorsheynta wadajirka ah iyo isku xirka dhammaan duullaanka militari ee ka dhanka ah Al Shabaab ee gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

“Amniga Soomaaliya maanta wuxuu saameyn xun ku yeelan karaa Jabuuti, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda, sidaa darteed waxaan ku heshiinnay inaan xoojinno isku-dubaridkeenna,” ayuu raaciyay.

Danjire Souef ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay ATMIS inay taageerto hindisaha si ay uga caawiso inay ku guulaysato xasilinta Soomaaliya iyo gobolka.

Taliyaha Ciidamada ayaa madaxda ATMIS uga warbixiyay howlaha ciidanka iyo qorshayaasha mustabalka.

“Xilligan waa waqtigii ku habboonaa, ujeedka ugu weyn ee howlgalka Libaax-madow waa in la wiiqo Al-Shabaab oo la gaarsiiyo heer aysan khatar ku noqon karin dowladnimada iyo gobolka,” ayuu yiri Gashaanle. Maxamed Bariise.

Taliyaha ciidamada ATMIS, Sar. Guuto. Okiding, ayaa sheegay in ciidanka wadamada safka hore uu yahay qorshe si weyn looga fakaray oo buuxinaya waajibaadka ATMIS-ka ee lagu wiiqayo Al-Shabaab.

“Waxaan diyaar u nahay inaan gacan siinno markasta oo naloo baahdo. Waxaan dhawaan qaban doonnaa shir kale oo aan ku eegayno tafaasiisha qorshaha oo dhan. Waxaas oo dhan waxaan u sameyneynaa si aan u xaqiijino in walaalaheen Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka,” ayuu yiri Sar. Guuto. Okiding.

Qorshaha “Howlgalka Libaaxa Madow” ayaa gacan ka geysan doona fududeynta dhimista ciidamada ATMIS iyo in si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Previous articleDFS oo heshiis cusub la gashay Shirkaddo ka kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya
Next articleWasiirka cadaaladda Soomaaliya oo Raali galiyay Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here