Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaliya Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa  heshiis Caalami oo wadaag ah oo la xiriira Hawada iyo Duulista la gashay dhiggeeda wasiirka Gaadiidka Kenya Kipchumba Mukomen.

Heshiiskan ayaa u gogal-xaaraya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya ee la diiwaangaliyey duulimaadyo ku tagi karaan Kenya, tan oo qeyb ka ah daadaalada ay wado wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaas oo ku aaddan dhammaan diyaaradaha ka diiwaangashan Soomaaliya inay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan. Sidoo kale waxa uu heshiiskan xoojinayaa wada shaqaynta duulimaadka labada dal iyo aqoon isweydaarsi.

Advertisement

Munaasabadda heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalkeenna Soomaaliya ee Kenya Ambassador Tarsan iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo mas’uuliyiin kale .

Heshiiskan ayaa imaanaya, xilli walaac xooggan laga muujinayo bed qabka diyaaradaha fadhigoodu yahay Kenya, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay ay soo badanayeen shilalka ay ku galayaan Soomaaliya.

Previous articleHogaamiyihii afgambiga Niger General Tchiani: Waa nabad ilaaliyihii hore ee Qaramada Midoobay oo xukunka qabsaday
Next articleCiidamada Dawlada oo Hawlgallo ku bur buriyay Fariisimo Alshabaab ay lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here