
Inta badan Dunida waxaa caawa madoobaaday Dayaxa oo gabi ahaanba nuurkii lagu yaqaanay laga qaayay xili hore loo saadaliyay inuu caawa dhici doono dayac madoobaad.
Soomaaliya marka la eego Magaalada Muqdisho,Balcad,Balad-weyne iyo magaalooyin kalaba waxaa isku soo baxay shacabka iyagoona bilaabay inay socod ku maraan wadooyinka xili takbiirta iyo ducadana afka lagu hayo.
Sidoo kale Masaajida waxaa lagu oogay salaada Khusuufka ee labada rabco taasoo suno ah marka la arko dayac madoobaad ama qorax madoobaad.
Sidoo kale Xogta aan ka heleyno Xaramka ayaa sheegaya in la oogay salaada iyadoo dad badana ay ka qeybgalayaan alla bariga kacbada ka jira si Alle loo weydiisto inuu xaalka sidiisii ku soo celiyo umadama muslimka ahna u danbi dhaafo.
Xoga aan kacbada laga helayo waxay sidoo kale sheegeysaa in Dayax Madoobaadkaani la saadaalinayo inuu noqdo kii ugu waqtiga dheeraa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

