MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw xabsiga Xamarweyne waxay u taxaabeen mid ka mida shaqaalihii Gobolka Banaadir oo diiday.
Ninkaan la xirey oo lagu magacaabo Kaamil Cabdi Macow ayaa la sheegay inuu horay uga tirsanaa shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa in loo xirey inuu diiday ku biiritaanka Xisbiga JSP ee Madaxaweyne Xasan hogaamiyo.
Inkastoo anaga aaanan xaqiiqo u heyn sababta loo xirey oo rasmi ah hadana qaar asxaabtiisa ka mida ayaa sheegeen in Kaamil hore uu sheegay inuu diiday Xisbiga JSP isla markaana shaqada laga eryay, sidaas daraadeedna uu u cabsanayo amnigiisa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
