XIGASHO LAACIB.NET
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Declan Rice, ayaa ku adkeystay inay si fiican u garanayaan waxa ay kala kulmi doonaan kooxda Atletico Madrid, marka ay isaga hor yimaadaan wareegga nus-dhammaadka ee tartanka UEFA Champions League dabayaaqada bishan.
Rice ayaa hadalkan ka dhawaajiyay isagoo bixinayay wareysi ciyaarta ka dib, markii uu Arsenal ku hoggaamiyay barbaro 0-0 ah oo ay la galeen kooxda Sporting CP kulankii lugta labaad ee wareegga siddeed-dhammaadka oo habeenkii Arbacada ka dhacay garoonka Emirates.
Waxaa xusid mudan in Arsenal ay ugu soo gudubtay wareegga afar-dhammaadka cel-celis ahaan gool iyo waxba (1-0) oo ay kaga soo adkaadeen kooxda reer Portugal.
Isagoo la hadlayay taleefishinka TNT Sports oo ka warbixinayay kulanka soo socda ee Atletico, Rice ayaa yiri: “Aad baan ugu faraxsanahay. Waxay ahayd tijaabo aad u adag oo labo kulan ah. Inaan labo xilli-ciyaareed oo isku xiga gaarno afar-dhammaadka waa guul weyn oo u soo hoyatay kooxdan, haddana waxaan rabnaa inaan tallaabo kale horey u qaadno oo aan gaarno kama dambaysta.”
Wuxuu intaas ku daray: “Hal mar ayaan la ciyaarnay Atlético sanadkan, waxayna ahayd ciyaar aad u wanaagsan; waan ognahay waxaan ka filan karno. Ha noo yimaadaan toddobaadyada ugu dambeeya ee tartanka.”
Arsenal ayaa horay u soo garaacday Atletico Madrid bilowgii xilli-ciyaareedkan markii ay labada kooxood ku kulmeen isla tartanka Champions League-ga.
XIGASHO LAACIB.NET
