CADAADO (DAYNIILE.COM)-Deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan Gobolka Gal-gaduud waxaa maalmihii ugu dambeeyay aad u sii xoogeysanaya falal aad looga naxsan yahay oo ah in haweenka iyo caruurta ay iska afduubanayaan maleeshiya beeleedyo isku haya hab qabyalaadeed.
Falkii ugu dambeeyay wuxuu ka dhacay deegaan u dhexeeya Magaalooyinka Dhabad iyo Cadaado waxaana laga afduubtay hooyo iyo laba caruur ay dhashay iyadoo lala aaday tuulo aad ugu dhaw dhanka dhabad.
Xogaha aan heleyno ayaa tilmaamay in dhamaan falkaan iyo kuwii ka horeeyay ay salka ku hayo aanooyin qabiil taasoo xiisada kor u sii qaadeysa madaama beeshii caruur iyo hooyo laga afduubtaba ay iyaduna falkaas mid la mid ah ku dhaqaaqeyso.
Deegaanada Isku xira Guri-ceel iyo Balan-balle ayaa sidan oo kale maalmo ka hor looga soo tabiyay in haween iyo caruur lagu kala afduubtay.
Hay’adaha amaanka Maamulka Galmudug wali talaabooyin muuqda ma qaadin walow hada warar dhanka Booliiska laga helayo ay ku shaaganayaan inay galeen arinta islamarkaana ay doonayaan inay u istaagayaan sidii ay usoo bad baadin lahaayeen hooyada Soomaaliyeed iyo caruurta la afduubtay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
