QAAYIB (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay dhacdo muraga leh ay ka dhacday deegaanka Qaayib kadib markii maleeshiyaad hubeysani xasuuqeen qoys dhan oo ka koobnaa hooyo iyo sedex gabdhood ay dhashay.
Deegaanka uu sida gaarka ah uga dhacay falkaan foosha xun ayaa lagu sheegay inuu yahay Tuulada Mircaanyo ee hoos taga Deegaabka Qaayib,dhamaan qoyska ayaa midi nlagu wada gowracay sida aan xogta ku helnay,waxayna keentay inay barakacaan dadkii deegaankaasi casbi soo wajahday darteed.
Allaha u naxaristee hooyada oo waayeel ahayd ayaa magaceeda lagu sheegay Sahra Cartan Xirsi halka sidoo kale gab-dhahana magacyadooda lagu kala sheegay ,Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faaiao Axmed Maxamuud.
Asbuucii hord waxaa sidoo kale lagu dilay isla deegaanada Galmudug Macallin Dugsi Quraan iyo carruurtii uu barayay Qur’aanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
