MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka Ceel hareeri ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalada deegaankaas uu degan yahay oo aaney ka jirin wax dagaal ah kadib dagaalo xooggan oo halkaasi ka dhacayay sedexdi maalin ee ka horeysay.
Deegaanka Ceel hareeri oo hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan islamarkaana dhaca xadka ay wadagaan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa dagaalo culusi ku dhexmareen Alshabaab iyo macawisleyda Reer Hiiraan, waxaa u sii dheer in shalay halkaasi si weyn ay xaga cirka uga duqeeyeen saaxiibada caalamka .
Maleeshiyaadka Alshabaab oo deegaankaan uu u yahay istaraatiiji ayaa meelo badan isaga yimid iyagoona xooga saaray inay qabsadaan balse waxaa jilibaha u aastay macawisleyda beesha Xawadle .
Inkastoo maanta xaaladu degan tahay oo labada dhinac isku daaleen ayaa hadana wax kasta ay sekino isku badeli karaan madaama labada ciidan aaney cidina ku dhex jirin oo mar kastana xabadu bilaaban kartaa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM