Sida goor dhaw Dowladu shaacisay Ciidanka geesiyaasha ah ee deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka wada deegaannada Daaru-nimco iyo Boos-Caamir ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagaga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee halista ku ah amniga shacabka.
Howlgalladan oo si qorsheysan u socda, ayaa lagu guuleystay in laga saaro Khawaarijtii halkaasi ku dhuumaaleysaneysay, waxaana lagaarsiiyay khasaare xooggan oo naf iyo maalba leh. Dagaallo xooggan ayaa weli ka socda nawaaxiga labada degaan, iyadoo ciidanku ay kusii siqayaan jihooyin kala duwan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada, ayaa sheegay in howlgalladu yihiin kuwa sii soconaya, isla markaana ay Khawaarijta kala kulmayaan jab weyn. Wuxuu tilmaamay in iskaashiga shacabka iyo Ciidmadda iyo guulaha ay gaareen ay muujinayaan dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.