Deegan ka tirsan duleedka Laascaanood oo Malinka lawaad gubaneysa

 

Deegan ka tirsan duleedka Laascaanood oo Malinka lawaad gubaneysa

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dab xooggan ayaa maalintii labaad ka socda dooxada Ooda-Gooye ee duleedka Laascaanood.

Dabka oo bilowday Shalay ayaa wali aysan ku guuleysan Mas’uuliyiinta gobolka Sool ee Somaliland in ay damiyaan, maadaama dabka uu yahay Mid xooggan oo qabsaday dhul daaqsimeed Ballaaran.

Dabka oo aan weli la xaqiijin waxa dhaliyay ayaa shalay ka kacay dooxadaasi dhul daaqsimeedka ku wanaagsan oo kamid ah dooxooyinka waaweyn ee gobolka Sool.

Dadka ku sugan magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in dabka halkaasi ka kacay uu si xawliya ku socdo islamarkaana ay adagtahay in la demiyo maadaama uu jihooyin kala duwan ku faafay.

Gudaha Laascaanood waxaa hadda ka socda gurmad lagu doonayo in lagu demiyo dabka kaasi oo ay hoggaaminayso dowladda hoose ee degmadaasi iyo ganactada magaalada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064