Deeqdaan oo ah mid  lacageed ayaa gaareysa 100 Milyan oo birr ayay maamulka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ugu deeqeen dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan Dowlad degaanka Soomaalida.

Deeqdan ayaa qayb ka ah dadaalada ay xukuumadu ugu jirto sidii bulshada ay abaaruhu saameeyeen gacanta ugu haboon looga gaysan lahaa.

Waxaa isa soo taraya hawlaha bini aadanimo ka qayb-qaadashadooda, iyada oo degaano badan oo katirsan dowlad degaanka ay saameeysay abaarta.

Maamulka dowlad degaanka soomaalida oo uu Madaxda ka yahay Mustafe Muxumed Cagjar ayaa dhawaan qeylo dhaan ka muujiyay Abaarta, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay gurmad deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here