Ciidankii Ururka ASW ee uu hoggaaminayey Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa Waabaregii Saakay ka baxay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kaddib dagaal socday 4 Maalin.

Ka Bixidda Sheekh Shaakir ee dagaalka Guriceel ayaa katimid kaddib Wadahadal ay fududeeyeen ganacsato iyo siyaasiyiin deegaanka ah. Ciidanka ayaa u baxay dhinaca deegaanka GodWiil ee Waqooyiga degmada Guriceel.

ASW ayaa uga tegey Saldhiggoodii dhismaha Jaamacadda horumarinta reer Miyiga ee degmada Guriceel 2 gaari oo gaashaaman oo Ahlu sunna ku qabsatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Bohol ee degmada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo 26-kii October 2021 ka hadlay Xaaladda Guriceel ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahal nabadeed balse maamulkiisa aanay aqbali doonin in hub wax lagu raadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here