Xooggaga Ahlusuna ayaa ku rogaal celiyay Guriceel waxaana dib ay ula wareegeen saldhigga booliska iyo xarunta degmada oo saaka qabsadeen Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

Ahlusuna ayaa gurmad soo gaaray, kuwaasoo uga yimid deegaano ka tirsan Galgaduud. Dagaalkii cuslaa ee galabta ayaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana la sheegay in dhaawac soo gaaray uu goordhow u geeriyooday Taliyihii Ciidanka Danab ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here