Dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa xiligaan ka socdo degaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi oo ku yaala inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye.

Degaanka Basra waxa uu muddooyinkaan ahaa meel ay Al-shabaab ka furteen maxkamad islamarkaana ay ugu yaraan dadka, waxaana hadda la wareegay ciidamada Haramcad ee Booliska Soomaaliya.

Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa Duufaan ee ka tirsan NISA ayaa saakay howlgal kula kallahay maxkamad kooxda AS ku lahaayeen deegaan u dhaxeeyaa Beerta Cali Mahdi iyo deegaanka Basra.

Rasaas xooggan ayaa hadda ku dhex mareysa halkaas labada dhinac, waxeyna wararka halkaas ka imaanaya sheegayaan in ay ciidamada dowladdu burburiyeen maxkamaddii ay AS ku lahaayeen halkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here