MAXAAS (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa hada la soo sheegayaa inay qabsadeen Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan mudo 15 sano kadib oo ay gacanta Dowlada ku jirtay.
Sida aan wararka ku heleyno dagaalamayaasha kooxda Alshabaab ayaa jihooyin badan kasoo weeraray Magaalada Maxaas taasoo u suuragelisay inay xoog kaga faramaroojiyaan ciidamada Xooga Somalia iyo kuwa macawisleyd oo is kaashanayay.
Labada dhinac waxaa dhex-maray dagaal aad u xoog badan oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku weydaarsaday.
Dagaalkaan lagu qabsaday Maxaas wuxuu ka dhashay kii saaka aan idin soo tebinay ee ka dhacay xadka Hiiraan iyo Galgaduud oo saraakiisha macawisleydu sheegeen inay iska caabiyeen Alshabaab balse isla dagaalkaasi ayay alshabaab ku qabsadeen Maxaas.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
