MASAAJID CALI-GUDUUD (DAYNIILE.COM)-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la soo sheegayaa inay goor dhaw oo maanta ah Alshabaab ka saareen Degmada Masaajid Cali Guduud iyo deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kooxda Alshabaab ayaa qabsaday Masaajid Cali Guduud bishii Abriil xili Madaxweynaha Somalia uu dhinac ka joogay Gobolka Shabeelaha dhexe waliba Degmada Caddalle oo aad ugu dhaw Masaajid Cali-guduud.
Ciidamada Xoogga ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay Gobolka Shabeelaha dhexe ka wadeen howlgal ay ugu magac dareen duufaanta Aamusan taasoo ugu dambeyn ugu suuragashay inay Alshabaab ka saaraan Degmada Masaajid Cali Guduud iyo deegaanka Geelgub
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar Macallin, ayaan TV-ga qaranka uga warbixiyay guusha ay gaareen ciidamada Dowlada:-
