Kooxo ku hubaysanaa Bastoolado ayaa maanta waxay ku dileen magaalada Muqdisho askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda federalka Soomaaliya, gaar ahaan waaxda Canshuraha ee lagu magacaabo Minashiibiyo.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degmada dayniile ee gbolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn halka lagu magacaabo xaafada siisii ee degmadaasi, dilka ayaa waxaa geystay dhallinyaro ku hubaysnaa Bastoolado.

Kooxiihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana wararku ay intaas ku darayaan in askariga ahaa mid xaafadda laga yaqiinay, waxaana goobta durbaba soo gaaray goobta ciidanka dowladda.

Ciidanka ayaa qaaday meydka askariga la dilay waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaan kooban wallow aan la shaacid cid ciidanku ay usoo qabteen dilka ka dhacay degmada dayniile ee loo geystay askariga ka tirsan waaxda Canshuuraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here