MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii Guddigii dhexdhexadinta ay goor dhaw shir Hotel Jazeera kula yeesheen uguna kala dab qaadeen Saraakiil ka socotay Dowlada iyo xubno ka tirsan mucaaradka samatabixinta ayaa si guudla isugu raacay in mar kale dib loo dhigo banaanbixii beri oo khamiis ah ka dhici lahaa Magaalada Muqdisgo kaasoo ay soo qabab qaabiyeen mucaaradka
Warar horu dhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in laba asbuuc dib loo dhigay islamarkaana banaan-baxa la xusay inuu ka dhici doono hal goob oo ah garoonka Satadium Muqdisho oo ah garoon weyn oo tobanaan kun oo dad ah qaada..
lama yaqaan sababta garoonka Stadium Eng Yariisow looga dhigay sidoo kale lama yaqaan sababta dhabta ah ee ka danbeysa in mar kale dib loo dhigo waxaase aad loo tuhmayaa in ciyaar siyaasadeed Dowladu ciyaareyso islamarkaana ay mar kastaba laba asbuuc hor leh dib u dhigeyso.
Sidoo kale Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in mar kale ay ku heshiiyeen in la magacaabo gudi labada dhinac ah oo ka shaqeeya amniga si banaan-buxu ugu qabsoomo si nabad gelyo ah.
Dhanka kale waxaa toos isu arkay oo kulan gaaban yeeshay Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo Taliye Aasad Diyaano oo dhanka Dowlada ka socday iyo Mucaaradka samatabixinta sida Xasan Cali kheyre iyo C/raxmaan Cabdi shakuur.
XAIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
