HomeCiyaarahaDEG-DEG: Barcelona oo go’aan rasmi ah kasoo saartay mustaqbalka De Jong

DEG-DEG: Barcelona oo go’aan rasmi ah kasoo saartay mustaqbalka De Jong

XIGASHO LAACIB.NETWarbixin ay daabacday Diario Sport oo uu qoray Carlos Monfort ayaa lagu sheegay in Barcelona iyo khadka dhexe ee reer Holland Frenkie De Jong ay si buuxda uga heshiiyeen kordhinta heshiiskiisa ilaa sanadka 2029.

Heshiiska cusub ayaa la sheegay in la dhammeeyay isla markaana la saxiixay, iyadoo wadahadalladu u socdeen si aad u macquul ah oo aan caqabad lahayn.

De Jong, oo qandaraaskiisu hore u dhacayey xagaaga 2026, ayaa lagu qasbanaa in la xalliyo arrintiisa si uusan ugu dhowaan dhammaadka heshiiskiisa isagoo aan cusbooneysiin, taas oo Barca ka dhigtay mid aan degganeyn.

Qorshaha cusub ayaa sidoo kale la socda in mushaharka De Jong kis kis loo bixiyo, sidii hore loogu sameeyay goolhayaha Marc-André ter Stegen. Tallaabadan ayaa u suurto-gelineysa Barcelona inay si wanaagsan ula jaanqaado xeerarka dhaqaale ee La Liga (FFP).

XIGASHO LAACIB.NET
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -