Hubkaan aad u jeediin waa hubkii dowlada ayaa waxaa bixiyay Xassan Sheekh Maxamuud xilligii uu ahaa Madaxweyne Soomaaliyeed sanadkii 2016 oo beeshiisa Waceysle Macawiisleyda ku wareejiyay ayaa hubkii oo baqaarada dowlada laga soo qaaday sidiisa isagoo ah Macawiisleyda Waceysle waxay ku wareejiyeen Shabaabkii ku sugnaa Xarardheere, Ceeldheer, Galcad, iyo Galhareeri, Masagawaa Ceeldheere. gobolka Galgaduudm hubkaan oo dhib weyn u keenay shacabka Hiiraan.

“Madaxweyne Weceysle ah oo u diidaya hub reer Hiiraan kula dagaalamaan Shabaab, Xildhibaan Weceysle ah Xusul oo Macawiisleyda aflagaadeynaya iyo Macawiisleyda Waceysle ee Shababka hubkii dowlada la siiyaba Shabaab ku wareejinaayo, Soomaaliya badbaado ayay u baahan tahay, dowlada Mareykanka waa inay joojisaa la tashiga kuwa Shabaab hoosta ka taageero oo ugu horeeyo Xassan Sheekh Maxamuud.” ayuu warbixintiisa uu u diray State Department ku xusay Gudoomiyaha Ururka Hiiraan Diaspora Network Eng Baasto Axmed.

Beelo fara badan oo Soomaaliyeed ayaan daacad ka aheyn dagaalka looga soo horjeedo Shabaab taas waayay sababta keentay in Xassan Sheekh Maxamuud marka beeshiisa Waceysle uu hubeynaayo oo hubka dowlada siinayo cid ka wareysata jirin iyadoo beeshiisa Waceysle hubka siiyaan SHabaab, laakiin kuwa si daacad Shabaab ula dagaalamo hubka dowlada loo diidayo iyo mushaarka.

Shacabka Hiiraan ilaa maanta wax gargaar kama helin dowlada Federaalka ama dowlad ku sheega Kirshabelle, laakiin waxay caawinaad iyo taageero ka heleen Dowlad deegaanka Soomaalida DDS oo taageero mucaawino iyo agab Milateri ku wareejiyay oo daacad ka ah dagaalka looga soo horjeedo Shabaab.

Sawiradaan u jeediin waa hubkii dowlada ee Macawiisleyda Beesha Waceysle ee Xassan Sheekh Maxamuud siiyay ay ku wareejiyeen Shabaab sanadkii 2016 bishii 26 June.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here