HomeWarkiiBooliiska oo goor dhaw oo soo xirey Gudoomiye Xaafadeed dad shacaba ku...

Booliiska oo goor dhaw oo soo xirey Gudoomiye Xaafadeed dad shacaba ku rasaaseeyay Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Booliiska Magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw soo qabtay Gudoomiye Xaafadeed saaka dad shacaba ku xabadeeyay gudaha Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid kadib markii saaka baraha bulshada lagu shaaciyay muuqaalka marka uu dhibaatadaasi geysanayay.
Taliska qeybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo qabashada eedeysanaha iyo sawirkiisa waxay la wadaageen warbvaahinta.
Booliiska waxay sheegeen in saldhigga Boliiska degmada Yaaqshiid ay si gaar ah sameeyeen howlgalka lagu soo qabtay eedaysanaha oo magaciisa lagu sheegay Sakriye Cabdi Ibraahin.
Muuqaalka saaka baraha bulshada lagu arkay wuxuu muujinayaa gudoomiyaha oo wata macawis iyo garan hadana wata qorey AK47 ah kaasoo si toos ah rasaas teel teel ah ugu ridaya dadka shacaba oo waliba qaarkood waalidoontood taagan oo askariga ku baryaya raali ahow caruurta ha dilin.
Sidoo kale warbixinta Booliiska waxaa lagu xusay in eedeysanaha uu yahay  Guddoomiye Laameed ka tirsanaa Waaxda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid islamarkaana ay xaqiijinayaan inuu hada ku jiro gacanta Ciidanka Booliska, loona gudbin doono Maxkamadda ku shaqada leh.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -