HomeWarkiiDEG DEG: C/Maalik Coldoon oo Xabsiga loo taxaabay mar kale

DEG DEG: C/Maalik Coldoon oo Xabsiga loo taxaabay mar kale

BURCO (DAYNIILE.COM)-Wararka hada laga helaayo Magaalada Burco ee Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Samafale Cabdi Maalik Coldoon oo caan ka ah baraha bulshada.

Ciidamada Booiiska Burco ayaa la soo sheegayaa inay qabteen C/Maalik Coldoon lamana oga ilaa iminka sababta rasmiga ah ee loo xirey madaama Booliisku wali ka hadklin balse waxaa jira tuhumo durba soo baxaya.

Arinta ugu weyn ee lagu tuhmayo inay sababta tahay ayaa ah hadal dhawaan ka soo baxay C/maalik Coldoon taasoo ahayd eedeyn uu u jeediyay Maamulka Somaliland oo dhanka canshuuraha ah,wuxuu baraha xusay in cabshuurta aan shacabka wax loogu qaban.

Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon wuxuu beeniyay warar dhanka maamulka oo ahaa inay shacabka ku celiyaan canshuuraha ay ka qaadan islamarkaana ku dhisaan meelaha danta guud sida iskuulada iyo Isbitaalada,wuxuu carabka ku adkeeyay ineeney jirin wax iskuul ama isbitaal ah oo ay dhiseen kuwa madaxda ka ah maamulka.

Si kastaba waa markii labaad oo Xabsiga la dhigo tan iyo markii uu xilka Madaxweynaha Maamulka Somaliland la wareegay C/raxman Cirro.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMM

May be an image of one or more people and beard
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -